Dad lagu tooriyeeyay magaalada Birmingham ee Ingiriska

Wararka naga soo gaaraya magaalada Birmingham ee Ingiriiska ayaa sheegaya in hal qof uu u dhintay kaddib markii la toorriyeeyey  halka toddobo kalena la dhaawacay.
Waxay wararka intaa ku darayaan in labo qof uu dhaawacoodu halis yahay.
Tooreynta oo la gaystay galinkii hore ee maanta ayaa boolisku sheegeen inay isxig-xigtay.
Steve Graham oo ka mid ah mas’uuliyiinta ammaanka ee UK ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka loo fuliyay si aan kala sooc lahayn.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Dominic Raab ayaa xusay inuunan hayn macluumaad tilmaamaya in weerarada ay xiriir la leeyihiin argagixisanimo hasa ahaate shacabka laga doonayo inay feejignaan muujiyaan.
Booliska ayaa xiray goobta falalkan laga gaystay waxayna guda galeen baaritaano lagu xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen iyo sababtii ka dambeysay.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here