Trump iyo Erdogan oo ka wada hadlay arrimaha Liibiya iyo Suuriya

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo khadka taleefoonka kula soo xiriiray dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa waxay ka wada hadleen xaaladaha ka taagan wadamada Liibiya iyo Suuriya.
Afhayeenka aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo Judd Deere ayaa wada hadalka dhex maray labada madaxweyne ku shaaciyay barta twitarka.
Wuxuu xusay inay isla soo hadal qaadeen in meesha laga saaro faragelinta shisheeye ee lagu hayo wadamadaas.
Sido kale Trump iyo Erdogan ayaa ku heshiiyay inuu sii jiro xabad joojintii maalmo ka hor lagaga dhawaaqay Liibiya iyo mamnuucidda hubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here