Trump oo ansaxiyay heshiiska ganacsi ee kala dhexeya Shiinaha

Madaxweynaha Maraykanka ,Donald Trump ayaa qalinka ku duugay sharci ku saabsan wajiga koowaad ee ganacsiga dalkiisa kala dhexeya Shiinaha.
Waxay tani meesha ka saareysa qorsho ahaa in laga billaabo 15-ka bisha Diseembar ee sannadkan Maraykanka uu badeecadaha laga soo dhoofiyo Shiinaha ku soo rogo canshuur ah 160 bilyan oo doolar.
Tallaabada uu Trump qaaday ayaa timid kaddib markii dokumeenti heshiiskan ku aaddan ay u gudbiyeen la taliyaashiisa dhanka ganacsiga.
Go’aanka madaxweynaha Maraykanka ayaa loo aaneeyay in Shiinaha uu ballanqaaday inuu iibsanayo badeecooyin badan oo xukuumadda Washington ay soo saarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here