Trump oo cunaqabateyno adag ku soo rogay Iran

Hogaamiyaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray cunaqabateynno cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah.
Madaxweyne Trump ayaa saxiixay wareegto madaxweyne oo uu ku sheegay inuu ku hor istaagayo Tehran iyo Khamenei wax kasta oo ay u yeelan karaan suuqyada maaliyadda ee caalamka.
Xoghayaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha ee Mareykanka Steven Manuchin ayaa ka dhawaajiyay in talaabadan ay hoos u dhigi doonto balaayiin dollar oo hantida Iran ah.
Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid “adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka” kadib markii dayaaraddii Drone ee Iran ay Mareykanka ka soo riday todobaadkii hore taasi oo sii xoojisay xiisada Washington iyo Tehran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here