Trump oo dhaqaalaha ka jaraya WHO

Madaxweynaha Maraykanka ,Donald Trump ayaa jaraya deeqda uu dalkaasi siiyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Maraykanka ayaa ah wadanka dhaqaalaha ugu badan siiyo hay’addan.
Hasa ahaate Trump ayaa WHO ku dhaliilay inaynan si daacadnimo ay ku dheehan tahay ku wajahin cudurka oo sida uu hadalka u dhigay u eexatay Shiinaha.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dadka gudaha Maraykanka ugu dhintay korortay ugu yaraan 2,228 – hal maalin gudaheed waxayna tiradaas kor u dhaaftay 28,300.
Gudaha Maraykanka ayaa laga xaqiijiyay in ka badan 600,000 oo ah kiisaska cudurka Covid-19.
Dhanka kale hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa ka digaysa in dhaqaalaha caalamka uu sannadkan gudihiisa hoos u dhici karo boqolkiiba 3 waxayna noqon kartaa xaaladii ugu horreysay ee la soo tabiyo tan iyo 1930-kii.
Fayraska Corona ayaa saameeyay in ka badan 1.98 milyan oo qof guud ahaan caalamka.
Sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins , in ka badan 126,500 qof ayaa cudurka u dhintay waxaana ka bogsaday ku dhawaad 486,500 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here