Trump oo ka hadlay codeynta xilka looga xayuubinayo

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka kaga falceliyay tallaabo ka dhan ahayd oo shalay la qaaday.
Waxaa uu sheegay in codeynta dhacday ee lagu doonayo in xilka madaxweynanimo looga qaado ay tahay mid shacabka lagu bartilmaameedsanayo balse aynan ahayn in isaga lagu abbaaray.
Qoraalka Trump ayaa yimid saacado un kaddib markii xubnaha aqalka congareeska oo u badan siyaasiyiinta xisbiga Dimuqaraaddiga ee Maraykanka ay u codeeyeen inay xilka ka qaadaan.
Waxay ku eedeyeen inuu is hor taagay kongareeska sido kalena uu awoodiisa ku takriifalay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Trump lagu eedeyay inuu dowladda Ukraine cadaadis ku saaray inay baaritaano ku sameyso madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.
230 oo siyaasiyiin ah ayaa codkooda ku taageeray qodobka koowaad ee lagu saleynaya xilka ka xayuubinta Trump halka 197 kalena ay diideen.
Qodobka labaad ayaa waxa taageeray 229 halka 198 ay iyagana ka soo horjeesteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here