Trump oo ka qeyb galaya kulan Online ah oo loogu talagay in lagu caawiyo Beirut

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu kulan kagala qeyb geli doonno aalada muuqaal araga fog madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Aoun iyo hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka maalinka berri.
Madaxweyne Trump oo saaka aaladan kula hadlay madaxweynaha Faraansiiska Emmanuel Macron oo ah ninka soo qaban qaabiyay kulanka ayaa sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu garab siiyo dadka Lubnaan.
Trump ayaa sheegay in kulankan ay kaga qeyb geli doonnaan aalada muuqaalka fog maalinka berri , waxaana kagala qeyb gali doonaa madaxweynaha Faransiiska, madaxweynaha Lubnaan iyo hogdaamiyeyaal kale.
Madaxweyne trump ayaa u sheegay madaxweynaha Lubnaan in seddex diyaaradood ay soo qaadeen sahay caafimaad, cuno, biyo iyo qalab kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here