Trump oo ku hanjabay in uu dhaqaalaha ka goosan doono WHO

Madaxweeynaha Mareeykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in si joogta ah uu u joojin doona dhaqaalaha uu siiyo hay’aada caafimaadka adduunka ee WHO hadii aysan horumar la taaban karo ay sameeynin muddo 30 maalmood ah.
Warqad uu u qoray agaasimaha guud ee hay’aada caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayuu Trump qaabka ay WHO u maareesay fayraska korona ku tilmaamay marin habaabin.
Trump ayaa sheegay in wadada kaliya ee u furan WHO ay tahay in ay ka madax banaanaato dawladda Shiinaha.
Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa bishii hore hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray WHO wuxuuna ku eedeeyay inay u jaanjeerto dhanka Shiinaha oo ay ka been sheegtay fayraska korona.
Saraakiisha hay’aada caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa eedeymahaasi dafiray halka Shiinaaha uu sheegay in uu sameeyay daah furnaan iyo furfurnaan.
Warqada Trump ayuu WHO waxaa uu ku eedeeyay in ay iska indhatirtay warbixinnada hore ee fayraska ee soo ifbaxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here