Trump oo la kulmaya madaxda India iyo Australia

Madaxweynaha Maraykanka , Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka soo socdo kulan la qaato hoggaamiyaasha wadamada India iyo Australia.
Mas’uuliyiintan ayaa isku arki doono munaasabado ka dhici doono gobolada Texas iyo Ohio kuwaasi oo diiradda lagu saarayo sare u qaadidda arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga.
Qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa lagu sheegay in Mr. Trump uu 22-ka bisha la kulmi doono ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi.
Labadan mas’uul ayaa ka wada hadli doono sida ay u xoojin karaan iskaashiga wadamadooda ka dhexeya ee dhanka tamarta.
Waxaa uu kulankaasi kaddib booqanaya Ohio oo isaga iyo ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ay ku wada hadli doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here