Trump oo mamnuucay in ganacsi lala yeesho mulkiilaha TikTok

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar madaxweyne oo mamnuuc ka dhigaya in ganacsi lala yeesho mulkiilayaasha baraha laga leeyahay Shiinaha ee TikTok iyo WeChat.
Amarkan ayaa dhaqangalaya 45 cisho gudahood.
Go’aankan ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulka Trump uu sheegaya inuu sii laba jibaari doono dadaallada ka dhanka ah ablikeeshinada lagu tilmaamay kuwo aan lagu kalsoonaan Karin.
Xukuumada Washington ayaa wacad ku martay inay barahan ka saarayso khadka dijitaalka ee Maraykanka.
Ablikeeshinka la soo dhigo muuqaallada gaaban ee TikTok iyo barta wada shekeysiga ee WeChat ayuu Trump sheegaya inay leeyihiin halis aan la fududeysan Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here