Trump oo meesha ka saaray wada hadaladii Maraykanka iyo Taalibaan

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa sheegay inuu meesha ka saaray wada hadaladii ka dhexeyay mas’uuliyiinta xukuumadda Washington iyo kooxda Taalibaan.
Kulamadaasi oo ka socday dalka Qatar ayaa looga gol lahaa in xal loogu helo colaadda sannado badan ragaadisay dalka Afghanistan.
Go’aanka uu Trump qaatay ayaa yimid kaddib markii Taalibaan oo ka soo horjeedda dowladda Afghanistan ay sheegatay mas’uuliyadda weerar dhacay.
Weerarkaasi oo toddobaadkii hore laga gaystay caasimadda dalkaasi ee Kabul ayaa waxaa lagu dilay 12 qof oo uu ku jiro sarkaal u dhashay Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here