Trump oo rajo ka muujiyay in COVID19 laga guulaysan doono

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in caabuqa corona laga guulaysan doono.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo xarunta ka hor tagga iyo xakameynta xanuunada ee Maraykanka ay diiwaangelisay ugu yaraan 67,574 xaalado cusub ah iyo dhimasho hor leh oo ah in ka badan 877
Maraykanka ayaa ah wadanka uu sida weyn u saameeyay cudurka COVID19 oo ilaa iyo hadda dunida oo dhan ay ugu dhinteen in ka badan 605,000 qof.
Sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha cudurka waxaa caalamka oo dhan laga xaqiijiyay in ka badan 14.4 milyan xaaladood .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here