Trump oo sheegay in 100,000 oo Ameerikaan ah ay u dhiman karaan covid-19

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hadda rumeysan yahay in ilaa 100 kun oo ka mid ah shacabka dalkaas ay u dhiman karaan cudurka uu sababo cudur sidaha coronavirus ee Covid-19.
Hasa ahaate Trump ayaa sheegay inuu ku raja weyn yahay in dhammaadka sannadkan daawo loo heli doono cudurka.
COVID-19 ayaa gudaha Maraykanka ku haleelay in ka badan 1.1 milyan oo qof waxanaa halkaas ugu dhintay ugu yaraan 67,000 qof.
Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa sido kale sheegay in ilaa 6 tiriliyoon oo doolar lagu kabi karo dhaqaalaha dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here