TSC oo 10 milyan ku biirisay sanduuqa gurmadka ee lagula tacaalaya cudurka covid-19

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Dr. Nancy Macharia

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa lacag dhan 10 milyan oo shilinka dalka ah waxaa uu ku kordhiyay dhaqaalaha ay dowladda dhexe u adeegsanayso la tacaalidda cudurka covid-19.
Lacagtan ayaa lagu wareejiyay keydka sanduuqa gurmadka degdegga ah.
Waxaa loo adeegsanaya xakameynta faafitaanka xanuunka iyo yareynta saameyntiisa.
Dhaqaalaha ay TSC bixisay ayaa waxaa la wareegtay guddoomiyaha guddiga sanduuqan maareeya Jane Karuku waxayna ka guddoontay madaxa isgaarsiinta ee TSC Beatrice Wababu .
Ururka ay ku mideysan yihiin maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ee (Kessha) waxaa uu bixiyay 5 milyan, dalladda maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee (Kepsha) waxay bixisay hal milyan, maamulayaasha machadyada dalka waxay bixiyeen 200,000, shaqaalaha xoghaynta guddiga TSC 1.65 milyan iyo macalimiinta oo la baxay 2.44 milyan.
Ms Wababu , madaxa isgaarsiinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegtay inay aad uga walacsanyihiin caabuqa coronavirus oo ayna guddiyada kala duwan ku taageerayaan dadaallada ay wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here