TSC oo fartay macalimiinta in dugsiyada iska xaadiriyaan toddobaadka dambe

Macalimiinta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dalka ayaa laga doonaya in ay iskuulada dib ugu labtaan maalinka isniinta ee todobadka dambe ee 28-ka bishaan si aay iskugu diyaariyaan dib u fuurka goobaha waxbarashada.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macalinta Tsc Nancy Macharia ayaa sheegtay in macaliminta aay iska xadiriyaan goobahooda waxbarashada.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha ayaa sheegay in dugsiyada dalka dib loo furi doona kaliya markii ay saamileyda taclinta isku afgartaan tariikhda dib loogu laabanaya dugsiyada.
Wuxuuna sido kale sheegay in 15-kii iskuul ee ku yaala deegaanada hoostagga ismaamulada dalka ay ka faa’iideysan doonaan mashruuc ay ku baxeysa lacag dhan 1.9 bilyan oo shili oo loogu diyaar garoobaya sidii dib loogu furi laha goobaha waxbarashada.
Prof. Magoha ayaa sheegay in ardayda barata taclinta farsamada ee jamacadaha kuw aas oo ku jira sannad dugsiyodkoodi ugu dambeeyay loo ogolaan doona in aay dib ugu noqdan jamacadaha wuxuuna ugu baaqay in uu hooggasamaan amarada looga hortagaya cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here