TSC oo beenisay warar laga sheegay mushaaraadka macallimiinta

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhex maray oo ku aaddan inay saameyn ku imaan karto bixinta mushaaraadka barayaasha dalka.
Waxaa uu guddigu macallimiinta kula taliyay inay iska dhaga tiraan wararkaas oo been abuur lagu tilmaamay.
TSC ayaa macallimiinta u xaqiijisay in bixinta musharaadka bishan hadda gacanta lagu hayo oo ay barayaasha heli doonaan xilliga habboon.
Sido kale macallimiinta ayaa lagu booriyay inay qaataan talooyinka caafimaad ee lagu xakameynta cudurka Covid -19.
Arrimahan ayaa shaaca looga qaaday qoraal ay soo saartay madaxa isgaarsiinta ee guddiga TSC ,Beatrice Wababu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here