TSC oo dhageysan doonto kiisas ka dhan ah qaar ka mid ah barayaasha dalka

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa lagu wadaa inuu billaabo dhageysiga dacwado la xariira habdhaqan xumo oo ay wajahayaan qaar ka mid ah macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada wadanka.
Qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga ayaa loo diray lix gobol oo oo laga soo tabiyay dhacdooyinkan si loo soo gabagabeeyo ka hor dhammaadka sannadkan.
Guddiga TSC ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa loo soo gudbiyay kiisas gaaraya 1,000 oo eedeymo barayaasha loo jeedinayo ah.
Waxaa ismaamulada kala duwan ee wadanka laga diiwaangeliyay 600 halka 400 ee kalena lagu diiwaangeliyay xarunta dhexe ee TSC ee magaaladatani Nairobi.
Eedeymaha ayaa u badan in macallimiinta la farfiiqay ay u galmoodeen qaar ka mid ah ardaydooda dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare.
Sharciga u degsan guddiga TSC ayaa dhigaya in dhageysiga kiisaska lagu soo gabagabeeyo muddo saddex bilood ah waxaana ila iyo hadda la dhameeyay 750 halka 250 kale weli lagu guda jiro.
Gobolada arrimahan laga soo sheegay ayaa kala ah xeebta, bariga, Nyanza, galbeedka, Rift Valley iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here