TSC oo laga hor istaagay inay macallimiin ka soo wareejiso waqooyi bari

Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa si ku meel gaar ah guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uga hor istaagtay inay barayaal ka soo beddesho dugsiyada ku yaalla ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera .
Garsoore Hellen Wasilwa ayaa madaxa fulinta ee TSC Dr. Macharia Macharia iyo xeer ilaaliyaha guud ee wadanka ka dalbatay inay muddo toddobo cisho gudahood ah ay gudbiyaan jawaabaha ay ka bixinayaan dacwado ka dhan ah.
Qareen lagu magacaabo Xuseen Yarrow ayaa maxkamadda u sheegay in TSC ay ku kacday talaabo sharci darro ah oo takoor laga dheehan karo.
Mr .Yarrow ayaa hoosta ka xarriiqay in guddiga uu barayaal dhan 1,300 ka soo wareejiyay deegaannada Garissa iyo 1,600 kale oo laga soo qaaday dugsiyada ismaamullada Wajeer iyo Mandera.
Garyaqaanka ayaa intaas ku daray in TSC laga doonayay inay u daneyso ardayda maadaama sida uu hadalka u dhigay tallaabada macallimiinta lagu soo wareejiyay ay saameysay deegaano aynan amni darro ka jirin.
Kaddib weerarro dhacay oo lagu dilay saddex macallimiin ah ayay TSC soo beddeshay barayaasha aan dhalasho ahaan ka soo jeedin ismaamullada Garissa , Wajeer iyo Mandera

Waxay TSC sheegtay inay tixgelinayso badqabka macallimiinta hasa ahaate tallaabadaas ayaa horseedday saameyn ballaaran oo ku timid waxbarashada gobolka waqooyi bari.
Kiiskan ayay maxkamaddu mar kale soo hadal qaadi doontaa 12-ka bisha saddexaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here