TSC oo magacaabid sameeysay

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa soo magacaabay saraakiil haynaya xilal sar sare oo kala duwan.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay mid lagu doonayo in lagu wanaajiyo adeegyada loo fidiyo 318,000 oo ah barayaasha guddiga u diiwaangashan guud ahaan dalka.
Ku xigeenka xoghayaha guddiga TSC ayaa waxaa loo magacaabay Dr Kennedy Mulunda wuxuuna noqonaya mas’uulka labaad ee dhinaca maamulka ugu sarreeya marka laga soo tago madaxa fulinta, Nancy Macharia.
Ka hor inta aan xilkan loo magacaabin , Dr Mulunda waxaa uu ahaa madaxa shaqaalaysiinta ee xoghaynta waaxda adeegga ee Huduma Kenya secretariat.
Agaasimaha cusub ee dhanka shaqaalaysiinta iyo horumarka ee guddiga TSC ayaa laga dhigay Dr Julius Olayo Ochieng wuxuuna xilkan laga wareegaya Mrs J Maundu oo howlgab noqotay.
Mr Timon Oyucho ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee dhanka sharciga , arrimaha shaqaalaha iyo xiriirka ka dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here