Turkana oo 480 milyan u qoondeysay covid-19

Dowladda ismaamulka Turkana ayaa dhaqaale gaaraya 480 milyan oo shilin waxay ugu tala gashay ka hor tagga iyo la tacaalidda kiisaska cudurka Covid-19 ee uu sababo caabuqa coronavirus.
Barasaabka dowlad deegaankaas Mr. Josphat Nanok ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay ansaxiyeen miisaaniyad dheeraad ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qeyb ka mid ah mushaarkiisa, midka ku xigeenkiisa iyo sido kale saraakiisha sar sare ee ismaamulkaasi in lagu biirin doono kheyraadka lagu maareynayo cudurka.
Madaxdan ayaa si iskood ah u ogolaaday in mushaarka ay bil kasta qaataan la dhimo.
Mushaarka barasaabka waxaa laga dhimaya 50,000 oo shilin, ku xigeenkiisa 30,000, wasiirrrada ismaamullada , saraakiisha kale ee sar sare , shaqaalaha ku jiro heerka shaqo ee Group S waxaa laga mushaarkooda laga jaraya 20,000 halka agaasimayaasha waaxyaha kala duwan mushaarkooda laga dhimaya 10,000 oo shilin.
Mr. Nanok ayaa intaa ku daray inay xoojinayaan dadaallada la xiriira ka hor tagga faafitaanka xanuunkan dunida saameynta ba’an ku yeeshay.
Ilaa 110 milyan oo shilin ayay Dowladda ismaamulka Turkana u adeegsan doontaa inay howlwadeennada caafimaadka u soo iibiso qalabka la isaga badbaadiyo cudurka ee (PPEs) iyo in sido kale dib u habeyn lagu sameeyo qeybta daryeelka degdegga ee (ICU) ee isbitaallka weyn ee Lodwar .+

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here