Turkiga oo amray in la soo xiro 110 qof oo xiriir la leh Fetxullah Gulen

Laamaha ammaanka ee dalka Turkiga ayaa warqadda lagu soo xiraya u jaray 110 qof oo lagu eedeyay inay xiriir la leeyihiin wadaadka Fetxullah Gulen oo xukuumadda Ankara ay rumeysan tahay inuu ka dambeeyay iskudaygii afgembi ee sanadkii 2016-kii halkaas ka dhacay.
Eedeysanayaasha ayaa u badan ciidamo ka tirsan militariga wadankaas.
Dalka Turkiga waxaa afartii sano ee ugu dambeysay ka jiray howlgallo lagu bartilmameedsanaya cid kasta oo looga shakisan yahay inay taageerto ama xiriir la leedahay Mr. Gulen.
Ninkan ayaa dhankiisa iska fogeeyay inuu soo abaabulay iskudaygii bishii toddobaad ee 2016-kii la doonayay in hoggaanka looga tuuro madaxweyne Erdogan.
Waxaa falkaas lagu dilay ilaa 250 qof.
Warbaahinta dalka Turkiga ee TRT ayaa ku warramaysa in saraakiisha ammaanka ay howlgallada oo laga fulinaya 26 gobol ka billaabeen gobol xeebeedka Izmir.
Tan iyo intii howlgalladan la billaabay waxaa xabsiyada la dhigay 80,000 qof oo shacab iyo 150,000 oo shaqaale dowladeed ah halka ugu yaraan 20,000 laga saaray ciidamada difaaca ee Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here