
Dowladda Turkiga ayaa amar ku bixisay in xabsiga loo taxaabo 133 sarkaal oo ka mid ah ciidamada difaaca oo lala xariirinayo Fetxullahi Gulen oo xukuumadda Ankara ay ku eedeysay inuu ka dambeeyay iskudaygii afgembi ee wadankaasi ka dhacay 2016-kii.
Arrimahan ayaa wax ka qortay wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga ee Anadolu .
Eedeysanayaasha ayaa la raadinaya iyadoo dhanka kale howlgallo ballaaran laga fulinayo gobolka galbeed.