Turkiga oo ciidamo geynaya Liibiya

Madaxweynaha dalka Turkiga ,Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay taageero milatari u fidin doonto Liibiya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Ankara ay ciidamo geyn doonto dalkaas si garab loo siiyo maamulka uu caalamka aqoonsanyahay ee uu fadhigiisu yahay magaalada Tripoli.
Erdogan ayaa intaas ku daray in 7-da bisha koowaad ee sannadka soo socdo inuu baarlamaanka Turkiga u gudbin doono hindise sharciyeed ku aaddan qorshaha ciidamada lagu geynayo Liibiya.
Shalay ayay ahayd markii madaxweyne Erdogan oo safar aan horay loo sii shaacin ku tagay Tunisia uu la kulmay dhigiisa wadankaas Kais Saciid.
Waxay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka dariska la ah ee Liibiya.
Shir jaraaid oo ay wada hadallada kaddib qabteen ayuu madaxweyne Erdogan ka sheegay inay diiradda saareen sidii xabadjoojin ay uga dhaqangeli lahayd dalkaasi.
Sido kale labadan mas’uul ayaa doonaya in miiska wada xaajoodka la isugu keeno kooxaha iska soo horjeeda.
Safarka madaxweynaha Turkiga uu ku tagay Tunisia ayaa ku soo aadaya kaddib markii dowladdiisa ay heshiis la saxiixatay midda xukuumadda Tripoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here