Turkiga oo ka falcelinaya sawir gacmeed laga sameeyay Erdogan

Waaxda isgaarsiinta ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in xukuumada Ankara ay ka falcelin doonto sawir gacmeed gudaha Faransiiska looga sameeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Sawirkan ayaa lagu soo bandhigay majaladda toddobaadlaha ee Charlie Hebdo.
Turkihga ayaa sheegay inuu qaadi doonto tallaabo shaciyeed iyo mid dibloomaasiyadeed labaduba.
Saraakiish sar sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa cambaareeyay falkan oo ay ku tilmaameen mid aad loo dhibsado.
Waxay sheegeen inuu caddeyn u yahay faafinta naceyb iyo cunsuriyad dhaqameed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here