Turkiga oo qabtay gabadh la dhalatay hoggaamiyihii ISIS ee dhintay

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay gabadh ay wada dhasheen hoggaamiyihii kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ee dhawaan dhintay Abu- Bakr al-Baghdadi .
Gabadhan ayaa laga soo qabtay waqooyiga Suuriya gaar ahaan magaalada Azaz sida laga soo xigtay sarkaal sare uu la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in su’aalo la weydiinayo ninka ay gabadhan wada joogaan iyo walaashii.
Gabadhan ayaa lagu magacaabaa Rasmiya Awad oo 65 sano jir ah.
Marka la qabanayay waxaa haweeneydan la socday 5 carruur ah.
Saraakiisha ammaanka ee Turkiga ayaa sheegaya inay doonayaan inay gabadhan ka helaan xog dhanka sirdoonka ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Maraykanka uu sheegay in aasaasihii iyo hoggaamiyihii ISIS Abu-Bakar Al-Baqdaadi uu isqarxiyay kaddib markii uu god ku cararay xilli ay howlgallo milatar dalka Suuriya ka fulinayeen ciidamada xukuumadda Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here