Turkiga oo sheegay inuu howlgallo milatari ka billaabayo waqooyiga Suuriya

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay guda galayso howlgallo milatari oo ballaaran oo ay ka fulinayso waqooyiga wadanka Suuriya.
Mr. Erdogan ayaa dhanka kale Maraykanka ku eedeyay inuunan wax weyn ka qaban sidii looga adkaan lahaa dagaalyahaanada Kurdiyiinta.
Waxaa uu intaasi ku daray in howlgallada dhanka cirka iyo dhulka ee bariga webiga Euphrates ee Suuriya ay billaaban karaan xilli kasta.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ee Turkiga ayaa ku warramaysa in ilaa 9 baabuur oo hub sida iyo bas qaaday saraakiisha milatari la geeyay degmada Akcakale ee ku taalla gobolka koonfurta bari ee Sanliurfa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here