Turkiga oo sheegay inuu qaxootiga Suuriya ku fasaxaya Yurub

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay albaabada u furi doonyo qaxootiga wadanka Suuriya si ay ugu fududaato inay gudaha u galaan wadamada qaaradda Yurub.
Waxay digiintan timid kaddib markii ugu yaraan 33 ka mid ah ciidamada difaaca ee wadanka Turkiga lagu dilay waqooyiga galbeed ee gobolka Idlib ee Suuriya halkaas oo ay weeraro dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saraakiisha dowladda Suuriya.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday gobolka Hatay waxaana khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolkaas Rahmi Dogan.
Madaxweynaha dalka Turkiga ,Recep Tayyip Erdogan ayaa weerarka kaddib shir guddoomiyay kulan degdeg ah oo qaatay laba saacadood kaasoo ay ka qeyb galeen wasiirro iyo saraakiisha milatariga.
Mr. Erdogan ayaa caddeeyay inaynan ka laaban doonin go’aankii uu ciidamo dheeraad ah ku geeyay Suuriya.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay xasaradda sare u sii kacaysa wuxuuna ku baaqay xabadjoojin degdeg ah.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sido kale sheegtay inay aad uga walacday weerarka la soo tabiyay waxayna sheegtay inay garab taagan tahay xukuumadda Ankara.
Xoghayaha guud ee gaashaan buurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa isna cambaareeyay howlgallada dhanka cirka ee ay gaysanayaan ciidamada Suuriya iyo kuwa taageeraya ee Ruushka.
Iskudhacyada u dhaxeeya fallaagada ka soo horjeeda maamulka Suuriya hoggaamiya iyo ciidamada dowladda ee garab ka helaya Ruushka ayaa waxaa tan iyo bishii 12-aad ee sannadkii hore ku barakacat ku dhawaad hal miltan oo qof .
In ka badan kala bar tiradan ayaa ah haween iyo carruur.
Ruushka ayaa dhankiisa ku doodaya in xukuumadda Ankara aynan ku wargelin inay jiraan qaar ka mid ah ciidamdaeeda oo dagaal kula jiro fallaagada Idlib hasa ahaate waxaa tani beeniyay Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here