Turkiga oo Soomaaliya qalab kale oo caafimaad soo gaadhsiiyay

Diyaaraddii seddexaad oo deeq agab caafimaad sida oo ka socota Dowladda Turkiga ayaa saakay oo Isniin ah ka degtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.
Qalabkaan ayaa ah kuwa lagula tacaalo xakameynta iyo ka hortaga Cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo kiisas badan oo kamid ah laga helay dalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka kala socda Wasaaradaha Caafimaadk iyo Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa tegay Garoonka Muqdisho,iyagoo deeqdaas daawada ah kala wareegay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Turkiga
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladdaha sida xowliga ah Soomaaliya uga taageeraya xakameynta cudurka Covid-19 oo sameyn ku yeeshay dalka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixintii ugu dambeysay ku sheegtay in la diwaan geliyay ilaa 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.
Tirada xaaladaha guud ee cudurka COVID-19 ee dalka Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. Halka 32 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.
Dhanka kale dowlada Qatar oo ka mid ah wadamada Soomaaliya Saaxiibka dhow la ah ayaa ku dhawaaqday inay Magaalada Muqdisho dhawaan gaadhsiintoonto Shixnado agab Caafimaad ah oo looga Hortagayo Xakamaynta Cudurka.
Amiirka Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa Axadii shalay ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya loo diro gargaar caafimaad oo wax ka tara dadaallada looga hortagaaayo cudurka Covid 19.
Amiirka oo soo saaray hadal kooban ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad caafimaad oo loo soo diro Soomaaliya,isagoo intaasi raaciyay in dalka Qadar uu ka qeyb-qaadanaayo dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo viruska Corona.
Tan iyo markii uu bilowday caabuqa Corona,ayaa Soomaaliya waxaa gurmad kala duwan soo gaarsiiyey dalal dhowr ah iyo Hay’ado Caalami ah,hayeesheee Dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladan Soomaaliya ayaa wali had aka hor Wax gurmad ah Soomaaliya Gaadhsiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here