Turkiga oo wacad ku maray inay tallaabo ka qaadayaan ciidamada Khalifa Haftar

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa aynan marnaba ka gaabin doonin inay tallaabada ku habboon ka qaaddo Khalifa Haftar iyo saraakiisha uu hoggaamiyo haddii dagaallada Liibiya ay sii socdaan.
Mr. Erdogan ayaa xusay inay cashar lama ilaawaan ah u dhigi doonaan taliyaha ciidamada ku kacsan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee uu fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.
Hoggaamiyaha Turkiga ayaa Khalifa Haftar ku eedeyay inuu ka soo cararay caasimadda Ruushka ee Moscow.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in labada dhinac ee Liibiya isku hayay tan iyo bishii afaraad ee sannadkan ay halkaas heshiis xabad joojin ah ku saxiixdaan.
Hadalka Erdogan ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Fayez al-Serraj oo dowladda matalaya uu heshiiska saxiixay balse Khalifa Haftar uu soo tagay isagoo aan qalinka ku duugin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here