Turkiga oo xayiraad soo rogay iyadoo la ciidaya

Iyadoo dalka Turkiga uu ka mid yahay wadamada islaamka ee maanta laga ciidaya ayaa waxaa dhanka kale jiro xayiraad dhinaca dhaqdhaqaaqa ah oo ay dowladda wadankaas soo rogtay.
Sido kale waxaa Turkiga laga soo sheegaya kiisas cusub oo dhimasho oo la xiriira cudurka COVID-19 oo dhan 32.
24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaa la xaqiijiyay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 1,186.
Tani ayaa tirada kiisaska ka dhigtay 55,686 halka dhimashadu ay tahay 4,308.
Sido kale Indonesia waxaa laga xaqiijiyay 949 oo ah kiisaska cusub.
Tirada guud ayaa hadda ah 21,745 halka dhimashadu ay tahay 1,351.
Guud ahaan caalamka in ka badan 5.28 milyan oo qof ayuu cudurka haleelay.
Waxaa u dhintay in ka badan 340,000 oo qof waxaana ka caafimaaday ugu yaraan 2 milyan sida laga soo xigtay jaamacadda John Hopkins .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here