Turkiga oo xayiraadda ka qaaday barta Wikipedia

Dowladda Turkiga ayaa meesha ka saartay xayiraad soo jirtay in ka badan laba sano taasoo saarneyd shirkadda ama barta macluumaadka laga helo ee Wikipedia.
Arrintan ayaa timid kaddib amar ka soo baxay maxkamad dastuuri ah.
Maxkamadda ayaa xayiraadda dhaqangashay bishii afaraad ee sannadkii 2017-kii ku tilmaantay mid sharci darro ah oo aan tixgelin xuquuqda muujinta dareenka.
Xukuumadda Ankara ayaa Wikipedia ku dhaliishay inay qeyb ka noqoto olole dowladda lagu sumcad dilayo kaddib markii maamulka bartan uu diiday inuu saaro xog loo fasirtay in Turkiga uu taageero ISIS.
Hay’ad aan faaiido doon ahayn oo marti gelisa Wikipedia laguna magacaabo Wikimedia Foundation ayaa maxkamadda gaysay dacwadda la soo gabagabeeyay.
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ayaa dowladda Turkiga iyo saaxiibadeeda galbeedka ku eedeyay inay cabburiyeen xuriyatul qowlka tan iyo iskudaygii afgembi ee fashilmay ee 2016-kii hasa ahaate madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo maamulka talada haya ayaa eedeymahan beeniyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here