Turxaan bixin lagu sameynayo ilaalada gaarka ah

Maamulka dowladda dhexe u qaabilsan maareynta howlaha shirkadaha bixiya adeegyada ilaalada gaarka ah ayaa sheegay in dhawaan uu turxaan bixin sameyn doono.
Barnaamijkan ayay dowladda sheegtay in ay qasab tahay in shirkad kasta oo kuwan ka mid ah ay qeyb qaadato.
Waxaa la turxaan bixinayaa ilaa 700,000 oo ah saraakiil si gaar ah u ilaaliyaha xafiisyo kala duwan.
Turxaan bixintan ayaa waxaa sameyn doono maamulka (PSRA) waxayna ku soo aadaysa maalmo un kaddib markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi uu xariga ka jaray manhajka tababarka saraakiishan.
Ciidamadan ayaa laga soo dhisi doonaa la tacaalidda falalka amni darro sida argagixisada.
Shalay ayay ahayd markii qoraal uu maamulkan soo saaray shirkadaha bixiya ilaalada gaarka ah looga dalbaday inay soo gudbiyaan dokumeentiyada laga doonayo.
Maamulayaasha sare ayaa sido kale looga fadhiyaa inay gudbiyaan shahaadada loo yaqaano certificate of good conduct ee caddeynaysa habdhaqan wanaagga qofka .
Dokumeentiyada laga doonay inay soo buuxiyaan waxaa ka mid ah kuwa maamulka canshuuraha ee KRA.
Laga billaabo 1-da bisha afaraad ee sannadka 2020-ka , ma jiri doonto shirkad ilaalo gaar ah bixiso oo loo oggolaanayo inay gudaha wadanka ka howlgasho haddii aynan u hoggaansamin xeerar 30 cisho gudahood lagu soo shaacin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here