Tuulada Sareedo ee Dadaab oo la weeraray

Wararka naga soo gaaraya tuulada Sareedo oo ka tirsan deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa sheegaya in xalay uu halkaas weerar ka dhacay.
Koox looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u gashay dugsiga hoose dhexe ee Sareedo oo sido kale leh qeyb ay ardayda seexdaan.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ilaa afar arday ah la dilay halka sido kale la burburiyay qalabkii isgaarsiinta ee shirkadda Safaricom.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii weerar laga gaystay ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta uu khasaare nafeed ka dhashay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa shalay Kenyaanka u xaqiijiyay in ammaanka dalka si weyn loo sugay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here