Twitter oo mamnuucday xayaysiimaha siyaasadeed

Barta Twittarka oo ka mid ah kuwa ay bulshada ku wada xariirto ayaa shaaca ka qaadday inay mamnuucday in akoontiyadeeda lagu soo bandhigo xayaysiimaha siyaasadeed ee guud ahaan caalamka.
Waxay intaasi ku dartay in shirkadaha bixiya adeegyada lagu fuliyo baraha bulshada aynan u caddaalad falin dadka ama waaxyaha doonaya in xayaysiin loo sameeyo.
Madaxa fulinta ee Twitter Jack Dorsey ayaa isbeddelkan cusub ku sheegay qoraal uu soo saaray.
Waxaa uu xusay in adeegsiga xayaysiimaha twittarka- facebook-ga iyo baraha kale aan si caddaalad ay ku dheehantahay loo wajahin taasina ay saameyn ka dhalato.
Xeerkan cusub ayaa si rasmi ah u dhaqangalaya 22-ka bisha 11-aad ee sannadkan wuxuuna qorshuhu yahay in 15-ka isla bishaasi la soo saaro faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here