Twitter oo sheegtay in la bartilmaameedsaday 130 akoonno ah

Shirkadda Twitter ayaa shaaca ka qaaday in toddobaadkan bartilmaameedsi lagu sameeyay ilaa 130 ka mid ah akoonnada lagu isticmaalo.
Waxay shirkaddu hoosta ka xariiqday in burcadda gaysta weerarada dhanka intarneetka ay barahan u dhaceen.
Tani ayaa saameyn ku yeelatay macluumaadka shakhsiyaad iyo hay’ado caan ah.
Twitter ayaa intaa ku dartay inay dabagal ku hayso in la helay xogta sirta ah ee shakhsiyaadka akoonnada laga jabsaday.
Dadkan waxaa ka mid ahaa Joe Biden, Kim Kardashian, Barack Obama Elon Musk , Jeff Bezos, Warren Buffett iyo Bill Gates,
Bayaan ka soo baxay waaxda dambi baarista ee Maraykanka ee FBI-da ayaa lagu sheegay inay baaritaano socdaan iyadoo in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta xukuumadda Washington ay dalbanayaan in la caddeeyo qaabkii weerarkan loo fuliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here