Uganda oo khafiifinayso xayiraadaha dalka saaran

Dowladda Uganda ayaa maanta bilaabi doonto inay khafiifiso xayiraadaha dalkaas saaran, iyadoo baabuurta khaaska loo leeyahay loo ogolaanayo inay socdaan.
Sido kale dukaamada iyo maqaayadaha ayaa dib loo furi doona waxaana dadka khasab ku ah inay xirtaan maaskaro.
Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dib u dhigay khafiifinta xayiraadaha lagu waday in la qaado isbuuci hore iyadoo waqti la siinayay shacabka si ay u qaataan marada sanka lagu xidho.
95 ka mid ah 135-ka degmo ee dalka Uganda ayaa laga dabcinaya xayiraadha halka 40 kale ay xuduudooda weli xirnaanayaan .
Xayiraadaha gaadiidka dadweynaha ayaa la khafiifin doonaa 4-ta bisha Juun, isla maalintaas oo lagu dhawaaqi doono tilmaamaha ku saabsan dib-u-furidda iskuulada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here