Uganda oo laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus

Wararka naga soo gaaraya dalka Uganda ayaa sheegaya in halkaas laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Coronavirus.
Wargayska Daily Monitor, oo soo xiganaya wasiirrada caafimaadka ee wadankaas ,Jane Aceng ayaa sidatani ku warramaya.
Qoraal saacado ka hor la soo dhigay barta rasmiga ee twitarka wasaaradda caafimaadka ee Uganda ayaa lagu sheegay in kiisaska la xaqiijiyay uu yahay muwaadin 36 sano jir ah oo Dubai ka yimid abaare 2-dii habeenimo ee xalay waxaa uuna soo raaray mid ka mid ah diyaaradaha Ethiopian Airlines.
Ninkan oo la baaray ayaa waxaa soo baxday in heerkulkiisu uu yahay 38.7 taasoo keentay in goob gaar ah la geeyo.
Baaritaano dheer kaddib ayaa la xaqiijiyay in bukaanka uu u qabo cudurka COVID-19.
Waxaa hadda lagu daaweynayaa qeyb gaar ah oo ka tirsan isbitaalka Entebbe Grade B halka rakaabkii la socday iyagana la karantiilaya.
Kiisaska Coronavirus ee caalamka ayaa ilaa iyo hadda lagu sheegay 304,334, halka dhimashadu ay tahay 12,983 qof waxaana cudurka ilaa iyo hadda ka bogsaday 94,677 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here