Ugu yaraan 13 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kisumu

Shil ka dhacay meel saddex kiilomitir u jirta goobta ganacsi ee Awasi ee ismaamulka Kisumu ayaa la xaqiijiyay in ilaa iyo hadda ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof halka 38 kalena ay dhaawacyo soo gaareen.
Meydadka dadkaasi ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga halka dhaawaca la daaweynayo.
Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah basaska shirkadda Eldoret Express iyo baabuur xamuul qaada oo marayay aagga Pala.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in shilka uu dhacay 2:30 habeenimo ee xalay.
Taliyaha booliska dowlad deegaanka Kisumu ,Benson Maweu ayaa warbaahinta u xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay shilka.
Gladys Ogonda oo ah taliyaha ciidamada taraafikada ee gobolka Nyanza oo u warrantay telefishinka Citizen ayaa hoosta ka xarriiqday in dadka dhintay ay isugu jiraan 11 qof oo rakaab ah iyo wadayaashii labada gawaari ee isku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here