Ugu yaraan 20 qof oo lagu dilay weeraro ka dhacay dalka Mozambique

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay weerarro hor leh oo ka dhacay gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique, sida aay sheegtay hay’ad aan dowli aheyn .
Gobolka weerraradan laga soo taabinaya ayaa waxaa ku nool 1.8 milyan oo qof waxaana ku yaalo 16 degmo.
Laga soo billaabo sanadkii 2017, rabshadaha ka dhacaya halkas ayaa sare u kacay iyadoona tan iyo xilligaas ay dhinten 1500 oo qof halka 250,000 aay barakaceen.
Dowladda dalka Mozambique ayaa tan iyo sanadki 2017-kii la dagallamaysay koox isku magacawday Al-Shabaab oo weeraro tuulooyinka iyo xubnaha ammanka, waxayna warbixintu muujineysa in dadka la kulmo weeraradan ay ka mid yihiin ciidamaada Tanzania iyo Kenya ee ku sugan gobolkas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here