Ugu yaraan 40 qof oo lagu dilay Liibiya

Wararka naga soo gaaraya dalka Liibiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala eegtay xero ay ku jiraan dad soo galooti ah.
Wasaaradda caafimaadka iyo waaxda qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdega ah ee dalka Liibiya ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi uu galinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Tajoura ee ku taalla caasimadda wadankaasi ee Tripoli.
Afhayeenka waaxda adeegyada gurmadka ,Malek Mersek ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 80 qof oo kale ay dhaawacyo ka soo gaareen duqeynta laga gaystay meel aan sidaasi uga fogeyn saldhig militari.
Waxaa uu intaasi ku daray in tiradan ay tahay mid hor dhac ah sidaasi awgeedna ay suurtagal tahay inay sii kororto.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhintay badankoodu ay Afrikaan yihiin.
Dalka Liibiya ayaa waxaa ragaadiyay rabshado iyo kala qaybsanaan tan iyo markii 2011-kii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer talinayay Mucamar Qaddaafi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here