Ugu yaraan 5 qof oo ku dhimatay dhulgariir saameeyay Filibiin

Dhulgariir saameeyay Koonfurta dalka Filibiin ayaa lagu soo warramayaa inuu sababay dhimshada in ka badan 5 qof.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in musiibadan awgeed ay gebi ahaanba burbureen dhismooyin iyo guriyo dhowr ah.
Dhulgariirka dhacay ayaa cabbirkiisu lagu qiyaasay 6.5 waxaana ka sii horreeyay kuwo kala ahaa 6.3 iyo 6.6 oo wadankaasi saameeyay bishan gudaheeda.
Booliska ayaa soo badbaadiyay ilaa 9 qof oo ay dhaawacyo soo gaareen kaddib markii uu saqaf ku soo dumay.
Xafiiska madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa dhammaan waaxyaha iyo maamulada hoose ee dowladda dalkaasi ku amray inay si buuxda uga qeyb qaataan howlaha samatabixinta iyo gurmadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here