Ugu yaraan 7 arday ah oo ku dhimatay fasal ku dumay deegaanka Dagoretti

Ilaa iyo hadda ugu yaraan 7 arday ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dugsiga Precious Talent School ee ku yaalla wadada Ngong Road deegaanka Dagoretti ee magaaladatani Nairobi kaddib markii mid ka mid ah fasalada uu dumay.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in fasalkaasi ay wax ku baranayeen 200 oo arday ah.
30 kale oo dheraad ah oo ay dhaawacyo soo gaareen ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Kenyatta , magaaladatani Nairobi.
Waxaa weli socdo howlaha samatabixinta waxaana halka ay dhibaatadan ka dhacday gaaray mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay xoghayaha guud ee wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang.
Wixii qodobkan ku soo kordho wararkayaga dambe ayaad kala socon doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here