Uhuru: Hooyadeey bannaanka ha laga maro

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa siyaasiyiinta dhaliilsan maamulka talada haya ee Jubilee ugu baaqay in khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeya aysan ku soo qaadin magaca hooyadii oo ah marwadii koobaad ee ugu horreysay taariikhda Kenya.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii labo ka mid ah hoggaamiyaasha taabacsan ku xigeenka madaxweynaha William Ruto ay toddobaadkii hore jeediyeen hadallo si weyn looga fal celiyay.
Mr. Kenyatta ayaa arrin nasiib darro ah ku tilmaamay in madaxda la soo doortay halkii ay xallin lahayeen caqabadaha Kenyaanka ay hooyadii Mama Ngina Kenyatta aflagadeeyaan.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay inuu horay u sheegay inuu diiradda saaraya arrimaha horumarka oo uusan waqti xaadirkan siyaasad ku mashquulsanayn balse siyaasiyiinta aflaageynaya qoyskiisa uu ka dalbanaya inay dhaqankan joojiyaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ka jawaabayay hadalo ka soo yeeray xildhibaanka deegaanka Emurua Dikirr ee ismaamulka Narok Johana Ngeno iyo dhiggiisa Kapsaret ee Uasin Gishu Oscar Sudi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here