Ukur Yatani oo beeniyay dhaqaalaha wadanka ee laga dayrinayo

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka ahna wasiirka shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Mr. Ukur Yatani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhaqaalaha wadanka uu aad u hooseeya.
Mr. Yatani ayaa sheegay in dhaqaalaha uunan ahayn sida dadka qaar ay u dhigayaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in la rajeynayo kobac dhaqaale oo aad u wanaagsan marka ay si buuxda miro-dhal u noqdaan mashaariicda horumarineed ee uu ka midka yahay marinka casriga ah ee tareenada (SGR).
Sido kale Mr. Yatani ayaa sheegay in sannadkan kobaca dhaqaalaha wadanka uu yahay boqolkiiba 5.7.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in heerkan uu ka sarreeya midka caalamka oo iskucelcelis ahaan gaaraya 3.6 .
Ku simaha wasiirka maaliyadda ee dalka ayaa Kenyanaka u xaqiijiyay in dowladda dhexe ay dadaalayso in kastoo sicir barararka wadanka ka jiro uu yahay boqolkiiba 3.8 halka sannadkii hore uu ahaa 5.6 boqolkiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here