Ukur Yatani oo maanta soo bandhigay sannad miisaaniyadeedka 2020-2021

Wasiirka Maaliyadda dalka Ukur Yatani ayaa soo bandhigay Miisaaniyadda 2.7 tiriliyan oo shilinka dalka oo bilaabanaya 1-da Luulyo, isaga oo faahfaahin ka bixiyay qorshayaasha kharashaadka, oo ay ku jiraan tillaabooyinka cashuuraha.
Miisaaniyadda ayaa waxaa ku jiraa lacago lagu kabayo dhaqaalaha dalka oo uu saameeyay cudurka COVID-19.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa fartay wasaaradaha, waaxyada iyo wakaaladaha in ay bixiyaan dhammaan lacagaha lagu leeyahay haddii kale dib lagala laabanayo dhaqaalaha.
Hay’adaha amniga ayaa loo qoondeeyay 168 bilyan oo shilinka dalka ah miisaaniyadda cusub.
Maamulka maareeya adeegyada Nairobi ee NMS ayaa loo qoondeeyay 26.4 bilyan si loo hirgeliyo afarta howlood ee muhiimka ah ee uu ku wareejiyay dowladda qaranka GudoomiyeNairobi Mike Sonko.
Dawladda ayaa u qoondaysay 111.7 bilyan waaxda caafimaadka sanad maaliyadeedka 2020-21.
Mr Ukur Yatani ayaa sheegay in lacagtaas, qaar ka mid ah 50.3 bilyan ay u adeegsan doonaan nidaamka cafimaadka guud ee dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in 98.2 bilyan loo adeegsan doona hoos u dhigida gudbinta cudurada HIV / Aids, duumada iyo qaaxada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here