UNICEF oo cambaareysay weerar 5 carruur ah lagu dilay oo ka dhacay Congo

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa si kulul u cambaareysay weerar ka dhacay jamhuuriyadda dimuqradiyadda Congo ee DRC oo lagu dilay 16 qof oo 5 ka mid ah ay carruur yihiin.
Caruurta ayaa ah gabdho ay da’dooda ka hooseyso 15 sano.
Wakiilka UNICEF ee DRC, Edouard Beigbeder ayaa xusay inay cambaareynayaan dilka loo gaystay carruurta aan waxba galabsan.
Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Moussa ee waqooyiga magaalada Bunia oo ka tirsna gobolka Ituri .
Wararka ayaa intaa ku daraya in 16-ka qof ee la dilay ay dhamaan ahayeen barakacayaal hore oo dib ugu soo laabtay tuulada.
Tani iyo biloowgii sannadkan , rabshadaha ka taagan gobolkaas ayaa sababay dhimashada in ka badan 300 oo qof.
Waxaa sido kale barakacay ugu yaraan 200,000 qof oo carruur u badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here