UNICEF oo soo dhaweysay dib ufurka goobaha waxbarashada ee dalka

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa soo dhaweesay ku dhawaaqistii wasaaradda taclinta ee dib ufurka goobaha waxbarshada.
Shalay ayey ahayd markii war saxaafadeed uu soo saaray wasiirka wasaaradda waxbrashada Prof. George Magoha uu ku sheegay in ardayda fasalada qaar gaar ahaan ardayda heerka ama fasalka afaraad, fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe iyo ardayda fasalka afaraad ee dugsiga sare ee dib ugu laabanayaan goobaha waxbarashada maalinta Isniinta ee toddobaadka dambe.
Wakiilka UNICEF uu qaabilsan Kenya Maniza Zaman ayaa sheegtay in araday qaar gaar ahaan kuwa ugu liita aysan goobaha waxbarashada dibi ugu laaban doonin maadaama qaarkood laga yaabo in la guursaday islamarkaana ay uur qaadeen.
Ms Maniza Zaman ayaa dhanka kale sheegtay in hay’adda UNICEF ay ka go’aan tahay inay taageerto dowladda Kenya inta lagu jiro wakhtiga adag ee uu safmarka jiro.
Iskuulada dalka ayaa xirnaa tan iyo bishii Maarso ee sannadkan markii kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus laga xaqiijiyay wadanka.
UNICEF ayaa sheegtay in xidhitaanka dugsiyada ay hakad gelisay waxbarashada in ka badan 17 milyan oo arday.
Wasaaradda waxbarshada ayaa ku amartay dhammaan dugsiyada inay hubiyaan isticmaalka agabka looga hortagga cudurka Covid-19 sida maaskarada sanka iyo afka lagu xirto, gacmaha nadiifiyaha loo yaqaano hand sanitizer iyo mashiinta heerkulka lagu baaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here