Urur goboleedka IGAD oo bayaan ka soo saaray xaaladda Suudaan

Urur goboleedka IGAD ayaa bayaan uu ka soo saaray xaaladda cakiran ee ka taagan wadanka Suudaan ku sheegay in la doonayo in dhibaatooyinka jira wax laga qabto.
IGAD ayaa qoraalkeeda ku xustay inay si dhow ula socoto waxyaabaha isa soo taraya ee ka taagan Suudaan.
Sido kale urur goboleedkan ayaa sheegaya inuu tixgelinayo talooyin uu soo jeediyay guddoonka guddiga midowga Afrika oo ay ka mid tahay in xasilooni iyo degganaansho lagu dadaalo.
IGAD ayaa sido kale sheegtay inay ka qoomameynayso dadka la dilay walaacna ka muujinayso xasaradda sare u sii kacday.
Dhammaan shacabka, dadka dibadbaxyada dhigaya, siyaasiyiinta iyo militariga ayuu urur goboleedkan ugu baaqay inay isxakameyaan, isku tanaasulaan oo ay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here