Ururka Dhakhaatiirta Caasimada oo qorsheenayo shaqo joojin

Ururka Dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) iyo dhigooda qaabilsan ilkaha ee Laanteeda Magaaladatan Nairobi ayaa soo saaray ogeysiis shaqo joojin oo toddobo maalmood ah ee la xiriira cabashooyinka aan la xallin.
Arrinkan ayaa laga soo xigtay xoghayaha guud ee uruurka qaybteyda Caasimadda, Dr. Thuranira Kaugiria..
Dr. Thuranira ayaa sheegay inay heleen qalab liita ee looga hortagga cudurka Covid19 waxaa uuna intaa raaciyay inay tani gacan ka geysatay dhimashadii dhakhatiirta safka hore kaga jiray la tacalida cudurka coronavirus.
Cabashooyinka kale ee gudbiyeen ururka waxaa ka mid ah mushaaraadka oo daahay, daaweyn la’aan iyo dalacsiin.
Waxaa ay sidoo kale ka caroodeen in dowladdu aysan meel u diyaarin oo lagu go’adoomiyo saraakiisha caafimaadka ee cudurka soo ritay isagoona xusay inay jiraan 16 xarumo go’doomin ah oo dadweynuhu leeyihiin.
Dhanka kale xoghayaha Wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan dhanka Maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa si kastaba ha noqotee, waxay beenisay sheegashada ururka dhakhaatiirta in aan la siinin gunnadoodii, taasoo sii kordhisay shakiga laga qabo eedeymaha ah in la siiyay qalabka looga hortagga cudurka ee loo yaqaano PPEs oo tayo leh.
Waxaa ay sheegtay in dhamaan la siiyay gunnoyinka shaqaalaha caafimaadlka ee magaaladatan Nairobi iyadoo carabka ku dhufatay in ay cadeyn ay ka haysata maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada dadweynaha ee caasimadda ee NMS.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here