Ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU oo soo saaray digniin ku saabsan shaqo joojin

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa shaaciyay in labo toddobaad kaddib xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin qaran ku dhaqaaqayaan.
Xoghayaha guud ee dallada KMPDU Chibanzi Mwachonda ayaa dowladaha ismaamullada u qabtay 14 cisho oo ay ku xallinayaan tabashooyinkooda.
Waxay dhakhaatiirta dalka ka cabanayaan in aan si buuxda loo dhaqan gelin heshiis ku saleysnaa gorgortan oo la doonayay inuu shaqeeyo 2017-kii ilaa 2021-ka.
Mr.Chibanzi ayaa ismaamullada ku eedeyay inay ku fashilmeen ku tallaaba qaadka qodobo lagu heshiiyay oo ku aaddanaa wanaajinta xaaladaha ay dhakhaatiirta ku howlgalaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee looga hor tagi karo shaqo joojinta ka dhacday ismaamullo dhowr ah ay tahay in la soo dhiso guddi qaran oo qaabilsan adeegyada caafimaadka.
Xoghayaha guud ee KMPDU ayaa dhanka kale sheegay in saraakiisha caafimaad ee ismaamullada qaar aan xilliga habboon la siin mushaaraadkooda.
Sido kale waxay cabasho ka muujinayaan in agabka sida afxirka iyo PPEs ee loo qaybiyay ay tayadoodu hooseyso.
Arrimaha kale ee ururka KMPDU uu doonayo in wax laga qabto waxaa ka mid ah hannaanka shaqaalaysiinta iyo dallacsiinta.
Qaar ka mid ah ismaamullada wadanka sida Homa Bay, Kisumu iyo Embu ayuu ku eedeyay inaynan howlwadeenada caafimaad mushaar siin saddexdii bilood ee ugu dambeeysay.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here